Taliyaha Ciidanka Asluubta oo booqday Xarunta SoDMA

Date:

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen Mahad Cabdiraxmaan Adam ayaa maanta waxa uu booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Md Maxamuud Macallim Cabdulle.

Guddoomiyaha iyo Taliyaha Asluubta ayaa kawada hadlay in gargaarka SoDMA bixiso la soo gaarsiiyo Maxaabiista ku xeran Xabsiyada dalka oo ay ugu horeyaan kuwa ku jira Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, in ay yeeshaan wada shaqayn dhaw, sidoo kale Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa waxa uu kormeeray xafiisyada kala duwan ee xarunta SoDMA.

Kulankaan waxaa qayb ka ahaa Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka Asluubta iyo Masuuliyiin SoDMA ka tirsan oo iskugu jira Agaasimayaal iyo Lataliyayaal sare.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...