Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qaybgalay shirka Magaalooyinka iyo Caasimadaha Carabta

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qaybgalay shirka Magaalooyinka iyo Caasimadaha Carabta oo ka dhacay Magaalada Bagdaad ee dalka Ciraaq.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay waxqabadkii uu gaaray ururka Magaalooyinka Carabta sanadkii la soo dhaafay, Qorshayaasha loo baahanyahay si horumar ballaaran loo gaarsiiyo Caasimaddaha Carabta iyo sidii loo ansixin lahaa ajendayaasha shirka soo socda, oo ay dhamaan isku raaceen madaxda shirka ka qeybgaleysa.

Gaba-gabadii Shirka Duqa Maagalada Bagdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq Mudane Camaar Muuse Kaadim ayaa Hadiyad qaali ah guddoonsiiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdsho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...