Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalay xaflad loo sameeyay xuska maalinta furdooyinka dunida

Date:

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana lagu maamuusayay Maalinta Caalamiga ah ee Fudooyinka ayaa lagu qabtay Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadaas waxaa ka qeyb galay dhammaan masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Maaliyadda, qeybaha kala duwan ee Maamulayaasha Fudooyinka, Ganacsato iyo Saraakiisha Hoggaanka ilaalada cashuuraha.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 oo hadal kooban ka jeediyay Munaasabadda ayaa u mahadceliyay dhammaan Madaxda iyo Shaqaalaha Fudooyinka ,isagoo sheegay in uu qirsan yahay in shaqaalaha ay qabteen howl muhiim u ah dib-u-habeynta iyo kobcinta dakhliga.

wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la casriyeeyay hannaanka dekhli uruurinta, waxa uuna intaa ku daray in la sii horumarin doono qaabka shaqo ee Kastamyada Dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...