Madaxweynaha JFS ayaa ayaa kulan la qaatay Amirka dalka Qatar.

Date:

Dooxa, 23 January 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Bin Xamad Al Thaanioo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyo weliba xaaladda gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay iskaashiga iyo xiriirka taabbo-galka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar ayaa uga mahad celiyey Amiir Tamiim Binu Xamad Al Thaani iyo Xukumadda dalkaas go’aanka walaalnimada ah ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo safka hore kaga jira dalalka walaalaha ah ee mowqifka cad ka qaatay faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay gobanimada Soomaaliya.

Amiirka Dalka Qatar ayaa la wadaagay madaxweynaha taageerada iyo garab istaagga ay u hayaan dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo tilmaamay khatarta ay leedahay in Geeska Afrika iyo Badda Cas laga abuuro degenaansho la’aan saameysa xasilloonida dalalka iyo wada noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa uu ku guda jiray dadaalo diblomaasiyadeed oo lagu xaqiijinayo ilaalinta qaranimada dalka iyo in la adkeeyo amniga gobolka, kadib markii dowladda Ethiopia ay heshiis sharci darro ah la gashey maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee...

Waalidiinta Dhallinyaro ku xiran dalka Maali oo tabashadooda la dhageystay

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay waalidiinta...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 waxa uu ku faraxsan...