Duqeyn weli ku socota Gaza iyo Israel oo diidan dowlad ay yeelato Falastiin

Date:

Ciidamada Israaโ€™iil ay weeraro iyo duqeymo ka fuliyeen goobo ku dhow cisbitaalka Khan Younisโ€™s Nasser ,halkaasi oo ay ka carareen kumanaan ruux,sida,sida uu ku waramay dhakhtar ka shaqeeya halkaasi.

Muddo todobaad ah waxaa goโ€™an isgaarsiinta, taas oo adkeynaysa in Marinka Gaza laga helo xog sababo la xiriira weerarada iyo suqeymaha ย israaโ€™iil oo weli halkaasi ka sii socda.

Dhinaca kale, Raโ€™iisul wasaaraha Israaโ€™iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday baaq ku saabsan dhismaha dowlad ay leeyihiin Falastiiniyiinta oo ay soo jeediyen Mareykanka.

Ninkaasi ย ayaa Mareykanka u sheegay in uu ka soo horjeedo dhismaha dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin marka ay soo afjaraan colaadda Gaza.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in weli ay taageero buuxa u hayaan Israel,inkastoo raโ€™iisul wasaaraha Israaโ€™iil uu diiday mowqifka Mareykanka ee dhismaha dowlad Falastiin ah.

Ugu yaraan 24,620 qof ayaa la dilay, 61,830 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israaโ€™iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7dii.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale