Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay wafdi ka socday Dowladda Switzerland.

Date:

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta kulan miro dhal ah la qaatay wafdi ka socday Safaaradda Switzerland oo ay hogaaminaysay Madaxa Iskaashiga Horumarinta, Martina Durrer.
Qodobada labada dhinac ka wada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa sidii taageerada ay Dowladda Switzerland siiso Soomaaliya loo waafajin lahaa hawlaha mudnaanta u led Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida: diyaarinta Qorshaha 10-aad ee Horumarinta Qaranka, qabashada tirakoobka dadka iyo guryaha iyo dardargelinta hannaanka deeqaha dalka iyadoo xooga la saarayo dhinaca horumarinta.
Kulanka waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamed Shire, Agaasimaga Guud ee Hayโ€™adda Istaatistikada Qaranka, Mudane Sharmarke Faarax iyo Agaasimaha Waaxda Isku-duwidda Deeqaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Cabdifataax Xasan Cismaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...