Madaxweyne Xasan Sheikh”Soomaaliyeey dhulka yuusan ina dhaafin ee aan difaacano”,

Date:

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku sugan yihiin in ay difaacdaan oo uusan dhaafin dhulkooda, loona ogolaan in uu cadow gudeed iyo mid dibadeed ku soo xadgudbo.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa faray qof kasta oo Soomaali ah inuu ka qeyb qaato dadaallada lagu doonayo in lagu diido damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya.
” Soomaaliyeey dhulka haddii uu na dhaafo noo soo noqon maayo, maanta ayuu gacanteenna ku jiraa yaanu na dhaafin, war qof kasta oo Soomaali ahaw da’ kasta ahaw, maqaan kasta la haw, meel kasta caalamka iyo Soomaaliya gudaheeda uga noolow, waxaana maanta isku direynaa is fareynaa waxay tahay carada, dhulkeenna aan ilaashano,” ayuu yiri madaxweynaha.
Ugu dambeyntii, madaxweynaha ayaa Khudbaddiisa ku sheegay in in Khawaarijta dadka Soomaaliyeed dagaalka kula jiraan iyo dowlada Itoobiya ay yahiin laba cadow oo duulaan ku ah madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowlad iyo shacaba diyaar loo yahay difaaca sharafka iyo dhowrista qaranimada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Askari: Maxaad iisoo Fiirisay Darteed ayuu u dilay Muwaadin Muruqmaal ahaa

Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha wado cusub

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dhagax dhigay Ceelal biyood laga hirgelinayo Gobolka Bakool

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay...