Odayaasha Gobolada Waqooyi oo si cad uga hor yimid damaca Itoobiya

Date:

Odayaasha Dhaqanka Gobalada Waqooyi ayaa si adag uga horyimid damaca itoobiya ee badda soomaaliya.

Odayaasha Dhaqanka reer Saylac oo la hadlay warabahinta  ayaa si adag uga hadlay in Muuse Biixi usan bixin karin dhulkooda,ayana tahay arrin isaga u gaar ah oo aysan la qabin waxgaradka iyo Shacbka ku dhaqan degaannada Gobolada Waqooyi.

Waxa ay sheegeen in badda aysan ahay wax cid walba si fudud isaga bixin karto,ayna tahay dhaxalka jiilka dambe lana aqabli karin damaca gurracan ee itoobiya.

Odayaasha Dhaqanka ayaa sidoo kale dhammaan ummadda soomaliyeed meel walba ay joogaan ugu baaqay in ay u midoobaan, difaaca qarannimada Soomaaliya,oo si cad ugu soo duushay itoobiya.

Tan iyo markii koowda bishaan dalka itoobiya ay kuwada galee heshiis is afgarad benaad ee badda soomaaliya waxaa isa soo tarayay sida soomaali meel walba ay joogto ugu hor timid damaca gurraca ee itoobiyay,iyadoo dibadbaxyo waaweyn oo arrintaa looga soo horjeedo ay ka dhaceen gudaha dalka iyo dibadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dhisme cusub oo ay yeelanayso Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania oo dhowaan xarigga laga jari doono

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa dhowaan...

Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang

Duufaanta Tropical Storm Basyang ayaa sababtay in la joojiyo...

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay xaflad lagu xusaayey Maalinta Qaranka Kuwait

Koonfur Afrika Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda...