Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo Muqdisho ka dirtay Markab sida Shixnad gargaar ah.

Date:

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaliyeed ee SoDMA ayaa Maanta oo axad ah dakedda Muqdisho waxa ay ka amba-bixisay Markab wada shixnad gargaar raashin ah oo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee colaadaha, fatahaadda iyo daadadka El-Nino ay sameenta ka soo gaartay.
Gargaarkaan ayaa ku wajahan degaannada dowlad goboleedka Galmudug iyo maamulka KMG ah ee Khaatumo, waxaana lagu wadaa in uu ku xirto Dakedda Boosaaso, iyadoo halkaas looga daabuli doono Gawaari si deeganadaas loo gaarsiiyo.
Hore sidaan oo kale waxa ay hay’adda shixnado gargaar raashin ah oo loogu talagalay Shacabka Soomaaliyeed ugu dirtay Deegaanada Maamulada Koonfur Galbeed, Puntland,Jubbaland iyo Maamulka Hirshabelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qadka teleefanka ugu hambalyeeyay dhiiggiisa dalka Uganda.

Muqdisho, Jannaayo 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...