gudoomiye marwo sacdiya o shir gudoomisey kulanka guud ee golaha shacabka bfjs

Date:

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 6aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS oo maanta shir Guddoomineysay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, sidoo kale waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa
1)Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hashiiska Aas-aaska Ciidamada Heeganka ah ee Bariga Afrika
2)Qeybinta Hindise-Sharciyeedyada kala ah
A)Hindise-Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliyeed
B)Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha.

Xildhibaanada oo dood dheer ka-yeeahay Hashiiska Aas-aaska Ciidamada Heeganka ah ee Bariga Afrika ayaa su.aallo kaweeydiiyay Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga ahna wasiir Ku-Xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Abdifitaax Qaasim oo goobjoog ahaa kulanka maanta Waxa uuna mid mid ugu jawaabay dhamaan su’aallaha Xildhibaanada ay weydiiyeen.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa soo xirtay kulanka maanta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...