General Dayax : Reer Qararow wax allaale wixii aad uga baahan tihiin Ciidanka Xoogga diyaara idiinla ahay ee raadsada qaniimada khawaarijta

Date:

-Taliyaha ciidanka Dhulka xoogga dalka Dayax Cabdi Cabdulle oo boqolaal askar katirsan xoogagga degaanka kula hadlay deegaanka Qararow ee koofurta mudud ayaa uga mahadceliyay sida ay u abaabulan yihiin oo ay ula dagaalameen  khawaarijta

General Dayax “Reer Qararow wax allaale wixii aad uga baahan tihiin Ciidanka Xoogga anaa diyaar idiinla ah ee qaniimada khawaarijta aan wada raadsano”

Waxa uu ku dhiiri galiyay taliyaha ciidanka  in ay gacmaha is qabsadaan oo khawaarijta si hagar la aan ah loola dagaalamo,si dhibaatadooda bulshada looga dulqaado,waxa  uu tilmaamay In khawaarijtu tahay sharwadayaal diinta iyo sharafka muslimiinta ka soo hor jeeda Wuxuu sheegay in kooxdu jabtay dadka deegaankuna ay ka qeeyb qaataan qanimada iyo agabka kooxda laga furanaayo.

“Waxaa loo dhintaa waa gobanimo,xorriyadda Sharaf aad ku noolaatid,intaasba khawaarij uma ogolo bulshadeenna ayuu yari taliye Dayax Cabdi Cabdulle

Dhanka kale wasiirka amniga galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe  ayaa sheegay in bulshadu diyaar u tahay in cadawga khawaarijta la iska qaado sidoo kalana galmudug ay ka go,an tahay in dhulkooda ka xoreeyaayn khawaarijta

Dhankiis bulshada abaabulan ayu mahadceliyay sidoo kalana wuxuu baaq u diray dadka wali ku harsan deegaannada khawarijta heysato.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka madasha bani’aadannimada Soomaaliya oo si rasmi ah looga furay magaalada Baydhabo

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2025), oo ay...

Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa sheegay in halgankii ay...

Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo bogaadiyay guusha kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga, Ibraahim Cumar...

Wasiir Fiqi oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...