Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Koobka Dowlad-goboleedyada dalka.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyqdda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta daah furay tartanka Dowlad-goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo ka bilowday Staudiom Muqdisho.
Kulanka daah-furka koobka oo ay ku tar tamayeen xulalka Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku bogaadiyey bahda ciyaaraha Soomaaliyeed sida ay ugu mideysan yihiin xoojinta is-dhexgalka, nabadda iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
“Ciyaarta macnaha ugu weyn waa in la is barto, isdhexgal yimaado, lagu saaxiibo, la isugu yimaado, sidoo kale, dadku waa wada farxsan yihiin. Waxaan rajaynayaa in sannad walba aynu isugu nimaadno jawigaan farxadeed oo kale”.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay muhiimadda xasilinta amniga caasimaddu ay u leedahay horumarinta dhallinyarada, iyadoo jawiga nabadeed ee uu ku bilowday tartanku uu muujinayo dadaalka dowladdu ay ku bixisay xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho.
Furitaanka Koobka Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir waxaa ku weheliyey Ra’iisul Wasaaraha, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo bahda ciyaaraha ee heer Federaal iyo heer gobol.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan

Ugu yaraan 600 oo qof ayaa dhintay, 1,500 oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxa Bisha Cas ee Qatar oo ka wada hadlay gargaarka iyo tababarrada

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Maxkamadda Ciidamada oo saakay xukun dil ah ku fulisay xubno ka tirsanaa Khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka dil toogasho ah...

Ciidamada Xoogaa Dalka oo lagu bogaadiyay howlgal lagu jabiyay Khawaarijta

Taliyaha qeybta 1-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Dhexe Saahid Jaamac...