Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Somaliland oo la kulmay Wasiirada iyo Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Galmudug

Date:

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wadahadallada DFS iyo Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa xalay kulan wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Dowlad Goboleedka GALMUDUG, kulanka ayaan diirada lagu saaray dardar-galinta iyo dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND.

Ergeyga ayaa uga warbixiyay sooyaalka Wadahadallada iyo Muhiimadda ay ugu fadhiyaan Ummadda Soomaaliyeed, waxaana intaasi ka dib uu ka dhageystay firadahooda iyo doodaha ku xeeran arrintan, iyaga oo Ergeyga la wadaagay mas’uuliyiintu tallooyin aad u wanaagsan oo wax tar u leh Wadahadallada.

Kulamadaan Wadatashiga ah ee lala qaadanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Madaxda Dowladd Gobleedyada ayaa ah kuwo bud-dhig u ah in lahelo aragti mideysan oo loo dhanyahay, taas oo ku wajahan ka gun-gaarista wadahadallada DFS iyo SOMALILAND.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...