Amiirkii Dalka Kuwait oo maanta ku dhintay daโ€™da 86-sano jir

Date:

Amiirka Kuwait Sheikh Nawaf al-Ahmad al-Jaber al-Sabah ayaa ku geeriyooday daโ€™da 86,sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maxkamadda boqortooyada oo laga sii daayay telefishinka dowladda

Bayaankaasi ayaa lagu yiri โ€œAnnagoo tiiraanyeysan oo murugeysan, waxaan u baroor-diiqeyna geerida Sheikh Nawaf al-Ahmad Al-Sabah, Amiirka Dowladda Kuwait.

Sheikh Nawaf ayaa la dhaariyay bishii Sebtembar 2020 ka dib markii uu geeriyooday walaalkii, Sheikh Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah oo 91 jir ahaa.

Bishii hore, Amiirka ayaa la dhigay isbitaalka ka dib xaalad caafimaad oo deg deg ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee KUNA.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale