In ka badan 33 Khawaarij ah oo lagu dilay Galbeedka xarardheere.

Date:

In Ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan oo Ciidanka deegaanku saaka ka fuliyeen deegaan dhanka Galbeed kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Baraag Gurgurrte oo ahaa fadhigii ugu weynaa deegaankaas ee Khawaarijta ayaa waxaa fuliyey ciidanka deegaanka oo uu horkacayay Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf oo Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in 33 Khawaarij lagu dilay howlgalka isla markaana taliskoodii iyo saanad ciidanku la wareegay.

Howlgalka ayaa dhacay salaaddii subax ka dib markii ciidanku ka war heleen abaabul weerar oo cadowgu maleegayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen),...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta ku...