Madaxweyne Lafta-gareen oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ee qaadista cunaqabateynta hubka

Date:

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur-Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo ciidamada qalabka sida ugu hambalyeeyey guusha taariikhiga ee qaadista cunaqabateynta hubka.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha koonfur galbeed ayaa u qornaa sidan:-

“Waxaan ugu Hambaliyeynayaa Dhammaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidaamada Qalabka Sida ee naftooda iyo Maalkooda uhuray Nabadda iyo Xasilloonida Dalka

Go’aanka cunaqabataynta hubka ee Caawa laga qaaday Dalkeena Soomaaliya keliya ma-xoojinayo Dadaalka Dawladda ee Ciribtirka Cadowga Umadda Soomaaliyeed Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu cunaqabateyn caalami ah saarayaa Khawaarijta Al Shabaab ee nabadda u diiday Dalka Soomaaliya, taas oo ah guul kale oo Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay usoo Hooyatay.

<span;>Waxaan Umahadcelinayaa Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud iyo Cid Waliba oo Gacan ka gaysatay sidii Dowladda Soomaaliya looga qaadi lahaa Cunaqabataynta Hubka oo saarna in ka badan 30 Sano”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan Ka hortagga tabinta hadallada naceybka ee xilliyada doorashooyinka

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka...

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cali...

Xujeyda Soomaaliyeed oo maalintii saddexaad gaaraya Magaalada Madiina

Magaalada Madiina waxaa maalintii saddexaad soo gaaraya xujeyda Soomaaliyeed...

UNTMIS iyo Safiirka UK oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS)...