Ra’iisul Wasaars Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha Soomaaliya ay gaartay

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uga qaaday Soomaaliya cunaqabteynta hubka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlay Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay sharaf u tahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo saarneed 31 sano.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in cunaqabateynta ay tahay tii ugu dheereen ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu dal saaro, isaga oo xusay guusha ay Soomaaliya gaartay in ay tahay mid muddo la dhowr sugayey.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya fursad u heli doonta in ciidanka lagu qabalabeeyo hub casri ah, iyada oo caqabad kala kulmeenin, sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in awood u lahaan doonaan ciidanka xoogga in ay ka guuleystaan Khawaarijta uu sheegay in wixii hadda ka dambeeyo la heli doona hub casri ah.

Tan ayaa ku soo adaysa xilli caawa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu Soomaaliya ka qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-kii xilligaas oo ay burburtay dolwaddii dhexe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

War-murtiyeed laga soo saaray Marxaladda kala guurka ah ee howlgalka ATMIS iyo AUSSOM 

War-murtiyeed kasoo baxay Shirka Taliyaasha Ciidamadda dalalka ka midka...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo furay Shir-Cilmiyeedka Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Madaxweynaha JFS oo diggiin u diray kuwa Maalgaliyaan Argagixisada 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya oo ka taageerayso Turkiga Martin-galinta Shirweynaha 31aad Isbadalka Cimilida  

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka...