Soomaaliya iyo Ingiriiska oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska kulan kula yeeshay Wasiirka horumarinta Afrika ee UK Andrew Mitchell.

Labada Wasiir ayaa magaalada London ku wada saxiixay heshiis dhabbaha u xaaraya iskaashi buuxa oo labada dal ay ka yeeshaan dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha, maamul wanaagga iyo gargaarka.

“Anigoo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee booqashada shaqo ku jooga Boqortooyada Ingiriiska waxaan heshiis Iskaashi iyo wada shaqayn ku kala saxiixannay magaalada London Wasiirka horumarinta Afrika ee UK Andrew Mitchell”.

Dalka Ingiriiska ayaa safka hore kaga jira dalalka Soomaaliya ka taageera arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo howlaha samafalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...