Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed oo qaabilay Safiirka UK u jooga Soomaliya

Date:

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska U fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis iyo wafdi uu Hogaaminayey Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Michael oo kulankooda ay ka qeybgaleen Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Cadaalada, Gargaarka iyo Howlaha guud ayaa laisaga Waraystay Saamaynta Fatahaadka Biyaha, Udiyaar Garowga Wajiga 2-aad ee Dagaalka, Xoojinta Wadashaqaynta iyo Hirgelinta Mashaariicda Loogu adeegayo Bulshada.

Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya ayaa adkeeyey in Socdaalkiisa Magaalada Baydhabo ay tahay sidii Dowladda Ingiriiska ay kaalin ugu qaadan lahayd U gur Mashada Dadka Saameynta ku yeeshay Fatahaada Biyaha iyo sidii ay u taageeri lahayeen Daddaalka Dowladda Koonfur Galbeed ee Daadejinta Adeegyada Dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhul gariir ka dhcay dalka Indonesia

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi murugo leh u dirtay...