Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo furay Aqoon Isweydaarsiga Xog Uruuriyaasha Hannaanka Khariidadeynta

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi oo wehliyo Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa furay Aqoon Isweydaarsiga Xog Uruuriyaasha Hannaanka Khariidadeynta Isku Dhacyada ka dhaca Gobolka Banaadir oo ay soo Agaasimeen Maamulka Gobolka Banaadir.

Ku Simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa sheegay in khilfaadka ugu badan Gobolka Banaadir uu la xiriiro arrimaha dhulka, sidaasi darteed ay go’aansadeen in la dhiso aqoonta iyo xirfadda howlwadeennada Gobolka Banaadir ee ka shaqeeya arrimahaasi, si ay u keenaan xog waafi ah oo horseedda in xal rasmi ah looga gaaro.

Wasiir Ahmed Moallim Fiqi oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in ay lagama maarmaan noqotay in Gobol kasta laga sameeyo khariidadeynta khilaafyada ka dhaca, maadama ay kala duwanyihiin khilaafyadooda, si gobol kasta loogu dabaqo xalka ku habboon. Sidoo kale Wasiir Fiqi ayaa u mahadceliyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adda UNDP.

Ugu Dambayn, Wasiir Ahmed Moallim Fiqi ayaa ku adkeeyay ka qaybalayaasha Tababarka in ay muhiim tahay in xogta lasoo galiyo system iyo isticmaalkooda, si ay madaxda go’aan uga gaareen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

8 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellada hoose

Ciidanka gaarka ah ee kumaandooska Danab ee CXDS ayaa...