Boliiska Soomaaliyeed oo dhex galay dadkii dhawaan ku dagaalamay gobolka shabelaha dhexe

Date:

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa cutub Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed ah u diray Deegaao hoos yimaada Degmada Cadale, hkaas oo ay dhawana ku dagaalameen dad walalo ah.

Ciidanka ayaa kala dhex galay maleeshiyo beeleedyo ku diriray deegaankaas hubka dhigisna ku sameeyay. Sidoo kale. Waxaa iyana goobta gaaray cutub Ciidan ah oo ka tirsan hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka (Nisa).

Taliyaha Daraawiishta Boliiska, Sareeye Guuto. Cabdulahi Mire, oo horkacayay ciidankan ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadka ku dhaqan deegaanada lagu dagaalamay gaar ahaan Ceel-muluq, Xaaji-Cali, Laba-garas, Cadow-uul, Dayfo iyo Burto-Shiikh.

Taliyaha ayaa amar cad dul dhigay oo ah in aan la aqbalikarin in wax hub ah lagu qaato deegaankaas dadkuna is dhex maraan, cidii ku xadgudubta xabad joojinta iyo dadaalada nabadeedna ay ciidamada amaanku u amranyihiin in ay gacan bir ah ku qabtaan lagana qaado talaabo sharciga waafaqsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...