Bolivia oo xiriirka u jartay Israa’iil iyo dalal kale oo u yeeray safiirada ka jooga dalkaasi

Date:

Dowladda Bolivia ayaa xiriirka rasmiga ah u jartay Israa’iil ,iyadoo laba dal oo kale oo Latin America ah ay u yeereen safiiradooda ka jooga Tel Aviv si ay wadatashi ula yeeshaan.

Bolivia “Waxay go’aansatay in ay jebiso xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay dawladda Israa’iil,waxaanna cambaareynay weerarka gardarrada ee ka socda Marinka Gaza,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalkaasi Freddy Mamani.

Wasiirka madaxtooyada Maria Nela Prada ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in wadanku gargaar bini’aadanimo uu u diri doono Gaza ,iyadoo dalbatay in la joojiyo weerarrada Gaza oo illaa hadda sababay dhimashada 8525 falastiiniyiin ah.

Wadamada deriska ah ee Colombia iyo Chile ayaa sidoo kale dib ugu yeeray safiiradooda si ay wadatashi uga yeeshaan weerarada Israa’iil ee ka socda Gaxa ,waxayna ku baaqeen xabad joojin.

Waxaa sii kordhaya carada ka dhalatay weerarada Israel ee ay ku heyso xerooyinka qaxootiga ee ku yaalla Marinka Qaza .

Dhinaca kale,tiro badan oo Falastiiniyiin ah oo dhaawacan ayaa loo ogolaan doonaa inay ka baxaan deegaanka la duqeeyay maanta oo Arbaca ah iyagoo sii maraya isgoyska Rafah si ay daweyn uga raadsadaan isbitaallada Masar.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo casho sharaf u sameeyay Culimada Soomaaliyeed ee ka qeybgalay Shirweynaha 3-aad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...