Obama oo dhaleceeyay go’doominta Israa’iil ay ku hayso Qaza

Date:

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, ayaa dhaleceeyay go’aanka Isra’iil ay saadka ugu jartay Marinka Qaza, isagoo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta go’aankan.

Obama oo xilka madaxtinimada Maraykanka qabtay intii u dhaxaysay 2009 iyo 2017, ayaa yiri: “Go’aanka ay Israa’iil magaalada Qaza kaga jartay cunnada, biyaha, iyo korontada kaliya ma ahan inay ka dhalankarto khatar bini’aadannimo, balse waxay horseedi kartaa inuu sii adkaado ammaanka gobalka”.

Waxa uu intaa ku daray in go’aankaasi uu horseedi karo in ay meesha ka baxdo taageerada caalamka uu siiyo Isra’iil, taas oo laga yaabo inay wiiqdo dadaallada muddada dheer lagu raadinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

“kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha Qaza, kuwaa oo ay ku jiraan carruur iyo dumar, boqolaal kun oo dadka degaanka ahna waxaa lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Barack Obama.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...