Wasiirka Maaliyadda XFS oo xaqiijiyey in Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay Barnaamujka Dayn Cafinta

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa ka hadlay hanaanka Dayn cafinta Soomaaliya in uu dhammaanayo bartamaha bisha December ee Sannadkan.

Wasiir Biixi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hanaanka daynta cafinta soo maray marxaladdo kala duwan oo dowladda Soomaliya ku bixisay daddaal xooggan kaas oo noqday miro dhal” wax aan kalsooni ku qabnaa in aan ku guulaysanayno in dayn cafinta si buuxda ugu guaysan doono bartamaha bisha December” ayuu yiri Wasiir Biixi.

Sidoo kale Wasiirka maaliyaddu xukuummadda federaalka Soomaaliya wuxuu faahfaahin ka bixiyey kulammo uu la qaatay haya’adda caalamiga ee doorka ku leh daynta cafinta isagoo xusay in dhamaan kulamadaas ku dhamaadeen is faham iyo wada shaqayn buuxda,wasiirka ayaa si gaar ah u xusay inuu kulamo kala duwan la qaatay Haya’addaha Maaliyadda dalka Maraykanka,dalalka Carabta,iyo yurub isagoo ugu bishaareeyey Shacabka Soomaaliyeed in si dhamaystiran loo cafin doono daynta lagu leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in ay socdaan habraacyo lagu xadidayo laguna xakamaynayo dhaqaalaha Khawaarijta,daddaaladan oo wasiirku hormuud ka yahay kana mid ah qorshaha guud ee cirib tirka khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa...

Wasiir Xasan Macallin “Maxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashada”

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...