Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha wadada Via Moscow

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud iyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, ayaa dhagax-dhigay wadada Laamiga ee Via Moscow oo isku xerta Buundooyinka Degmada Xamar Jajab iyo Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab iyo Guddoomiyaha Degmada Waaberi, iyadoona Duqa Magaalada Muqdisho uu kula dar-daarmay shacabka Degmooyinkaasi in ay ka qeyb qaataan Bilicda, Nadaafada iyo ilaalinta goobaha danta guud oo ay ugu horeyso wadooyinka dib loo dhisaayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...