Khawaarijtii geysatay xasuuqii Soobbe, maxay ku sugan tahay maanta? ( Warbixin)

Date:

Maanta waa 14- October, lix sanno ka hor waxay dadka Soomaaliyeed ugu asteysan tahay maalin hal goob looga dilay tiro dhan 600-qof ( lix boqol oo qof), ugu yaraan kun kale oo qof-na looga dhaawacay.

Wuxuu xasuuqaas ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho 14-kii bishii October 2017.

Muxuu sawirka guud ee maalintaas, Maxaase Soomaaliya ka socda maanta?

Aan ku bilaabo maalintaas, Dowladda Soomaaliya waa ay tabar yareyd, shacabku waxay la daala dhacayeen abaaro baahsan iyo saboolnimo, waxaana u dheer gumaadka iyo baadda dhaqaale ay Khawaarijtu ku haysay oo lagu asteyn karo in Soomaalida abid soo marin tan oo kale.

Difaaca ugu weyn ee dalku uu lahaa wuxuu ahaa dhagax lagu jiray jidadka waa weyn ee magaalada Muqdisho, ciidamo cusub ayaa badbaadinta qarankan tababar ugu maqnaa. Khawaarijtu waxay ku sii naaxeysay dhiiga shacabka ay haysteen, daruufaha aan tilmaamay iyo in ka badan.

  Maxaa socda maanta?.

Wax walba ayaa isbeddelay, waxaa kobcay awoodda Dowladda, waxayna qaadatay doorkeeda, waxaa qaranka loo dhisay ciidamo ku filan difaaciisa, waxaa dhiiraday shacabkii u hooban jiray gumeysiga Khawaarijta, waxayna askarta Dowladda ay Khawaarijta ku sii baacsansysaa difaaca ugu dambeeya ee bar kasta dalkan ay ka joogaan.

Khawaarijta ayaa laga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan kuwaas oo muddo ku naaxayay dhiigga shacabka Soomaaliyeed, waxaanna hadda iyagu ka qubta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ka quban jiray. Qaraxyadii gil gili jiray caasimadda waxaa beddelay duqeymo joogto ah oo ka socda dhulka howdka ah ee gobollada dalka, haadkana ka quudiyo hilbaha Khawaarijta.

Dowladda ayaa ku guuleystay in ay Khawaarijta ka joojiso malaayiin dollar oo ay si baad ah ugu qaadi jireen ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaas oo jiifka ku jiqi jiray horjoogayaasha haatan harsiga u diiday geesiyaasha dalka.

Waxaa la rumeystay maalmihii uu Muqdisho ka curtay kacdoon ” Guul ama Geeri” ee halganka Dowladda ugu jirto I dalka laga xoreeyo argagixisada si nabadda iyo kala dambeynta dalka loo soo celiyo.

Agendaha hoggaaminta dalka ee madaxweynaha qaranka ayaa baalka hore looga soo qoray dagaalka Khawaarijta si taas looga mira dhaliyo wuxuu madaxweynuhu labo bilood ka hor ka guuray madaxtooyadii uu ku shaqeyn jiray ee caasimadda Muqdisho, wuxuu subax kasta xaadiraa xafiiska hoggaaminta dagaalka khawaarijta oo laga dhex furay madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...