Cumar Axmed Maxamed oo loo magacaabay Macalinka xulka 18 jirada ee Qarankeena

Date:

Cumar Axmed Maxamed oo ku magac dheer macalin  “Jabshe” ayaa loo magacaabay tababaraha xulka Soomaaliya ee dhallinyarada 18 jirada, kaddib markii uu soo bandhigay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Macalin cusub ee Xulka Qaranka ee 18 jirada ayaa ciyaartoy hore, sidoo kalana dhawrkii sano ee ugu  dambeeyey ku dhex jiray dhanka maamulka ayaa la filayaa in uu isbadal ku sameeyo ciyaartoyda xulka Qaranka ee 18 jirada.

Sidoo kale Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay ku xigeenka Macalin Jabshe, iyada oo caawiye u noqon doona Mustafa Faransa oo ka mid ah Ciyaartoyda ugu magac dheer ciyaartoydii dalka soo maray.

Xulka Qaranka Soomaaliya ee 18 jirada ayaa bisha na soo aadan ka qeyb gali doonaan koobka bariga iyo bartamaha AFRICA CECAFA U18, kaas oo ka furmi doona dalka Kenya, inta u dhaxeysa 25-ka November illaa 5-ta December ee sanadkaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha Haya’adda NIRA oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Waxa maalintii labaad ka socda Hoolka Teendhada Afisyooni ee...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo safar ugu baxay dalka Marooko

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga...