Ciidanka xoogga dalka oo howlgal lagu cirib tirayo khawaarijta ka wada koofurta Mudug

Date:

Howlgal qorshaysan oo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidanka Xoogga dalka iyo Ciidamada deegaanka ee beelaha Koofurta Mudug ayaa ka socda hawdka tuulada Shabeelloow ee Koofurta gobolka Mudug.

Howlgalka oo Khawaarij halkaas ku dhuumaalaysanaysay looga qaaday dhawr jiho ayaa ah mid xooggan oo looga sifeynayo deegaanka.

Dagaal u dhaxeeya geesiyaasha halkaas ka wada howlgalka iyo malleeshiyada Khawaarijta ayaa hadda socda, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in khasaare xooggan la gaarsiiyey cadowga.

Hawlgalkaan ayaa imaanaya xilli inta badan Gobalka Mudug laga sifeeyay Khawaarijta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo kulan la qaatay beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO BOOQASHO SHAQO KU TAGAY XARUNTA WASAARADDA WARFAAFINTA

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...