Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Imaaraadka carabta u fadhiya Soomaaliya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta ee  Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi, iyagoo ka wada hadlay xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii joogteyn lahaa.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Dowladda Imaaraadka uga mahadceliyey taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadamnimada.

Danjire Al Rumaithi ayaa mahadcelin ka dib, wuxuu Xukuumadda #Danqaran ku bogaadiyey horumarrada ay ka sameysay dhinacyada sugidda amniga iyo dowlad wanaagga, wuxuuna adkeeyey sida ay Imaaraadka uga go’an tahay sii joogteynta taageerada uu siiyo Soomaliya.

Danjire Al Rumaithi ayaa ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Xamsa soo gaarsiiyey casuumaadda shirka isbeddelka cimilada ee COP 28 oo ka dhacaya dalka Imaaraadka bisha  DECEMBER 2023.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...