Hay’adda SoDMA iyo Bulshada rayidka oo ka shiray Roob wata Fatahaado iyo daadadkal El-Niño oo ku soo wajahan dalkeena

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu kulan deg-degg ah kula qaatay Xubno ka kooban qeybaha kala duwan ee Bulshada sida Culimada,Midowga Jamacadaha,Bankiyada ,Rugta Ganacsiga iyo masuuliyiin kale,waxaana looga warbixiyey cabsi xoogan oo laga qabo in guud ahaan Wadanka ka da’o Roob xoogan maalmaha ina soo aadan oo ka badan cadadii la sugayey taas oo ka dhalan karta Fatahaado,iyo daadadkaEl-Niño.

Kulankaan ayaa looga hadlay in Culimada ka qeyb qataan sii faafinta Wararka Roobkaan si bulshada u taxadarto,in Ganacsatada ay

Cadeeyaan waxa ay heli karaan ee gobolada dalka iyo Caasimada u yaal si hadii ay dhacaan dhacdooyinkaan bulshada loogu gurmado,in la aruuriyo Qaaraan si isku tashi loo muujiyo.

Shirjiraa’id oo ay siwada jir ah u qabteen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka iyo Guddigaan ayaa shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay in ay feejignadaan taxadar dheeri ahna ka muujiyaan Roobkaan oo aad u xoog badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay kulan looga hadlayay dardargelinta Mashruuca Sabuun ee Jowhar

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiayay kulanka aan caadiga ahayn ee guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan...

SoDMA oo raashiin ka qaybisay qaybo ka mid ah degmooyinka Hirshabeelle

Wajiga koowaad ee mashruuc cunno qeybin ah oo socon...