Hay’adda SoDMA iyo Bulshada rayidka oo ka shiray Roob wata Fatahaado iyo daadadkal El-Niño oo ku soo wajahan dalkeena

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu kulan deg-degg ah kula qaatay Xubno ka kooban qeybaha kala duwan ee Bulshada sida Culimada,Midowga Jamacadaha,Bankiyada ,Rugta Ganacsiga iyo masuuliyiin kale,waxaana looga warbixiyey cabsi xoogan oo laga qabo in guud ahaan Wadanka ka da’o Roob xoogan maalmaha ina soo aadan oo ka badan cadadii la sugayey taas oo ka dhalan karta Fatahaado,iyo daadadkaEl-Niño.

Kulankaan ayaa looga hadlay in Culimada ka qeyb qataan sii faafinta Wararka Roobkaan si bulshada u taxadarto,in Ganacsatada ay

Cadeeyaan waxa ay heli karaan ee gobolada dalka iyo Caasimada u yaal si hadii ay dhacaan dhacdooyinkaan bulshada loogu gurmado,in la aruuriyo Qaaraan si isku tashi loo muujiyo.

Shirjiraa’id oo ay siwada jir ah u qabteen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka iyo Guddigaan ayaa shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay in ay feejignadaan taxadar dheeri ahna ka muujiyaan Roobkaan oo aad u xoog badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...