Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo deeq lacageed gaarsiiyay Isbitaalka Madiina

Date:

-Guddomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle oo Maanta booqasho ku tagay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa booqashada ka dib wuxuu Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Generaal Sulub Axmed Firin iyo Maamulka sare ee isbitaalka ku wareejiyay 375,000 oo dollar, taas oo hordhac u ah deeq loogu tala galay Wajiga koobaad ee dhismaha Xarunta Gargaarka deg-deg-degga ah ee isbitaal Madiina oo uu dhagax dhigay Ra’isulwasaaraha XFS.

Xaruntan ayaa loogu tala galay in lagula tacaalo muwaddiniinta Soomaaliyeed ee ku waxyeellooba Musiibooyinka ka dhaca dalka, si loo helo xarun Caafimaad oo ka jawaabta baahiyaha deg-degga ah ee soo bixi kara xilli kasta.

Deeqdan lacageed ayaa waxaa ka mahad celiyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed iyo maamulka isbitaalka,sidoo kale Guddoomiyaha iyo Taliyaha ayaa boqday qeybaha isbitaalka iyo dhaawacyadii hay’adda dhawaan Muqdisho ay keentay, kuwaas oo ku wax yeelloobay qarixii ka dhacay magaalada Baladweyne.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...