Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS oo furay Imtixaan loo gelayo garsoorka dalka

Date:

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta furay imtixaan garsooreyaal iyo xeer ilaaliyenimo oo loo qaadanayo maxkamadda gobolka iyo xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

Tartameyaasha soo codsaday jagooyinkan oo gaadhayey 1500 oo qof, ayaa maanta waxa nasiib u yeeshay inay imtixaankan u fadhiistaan 487 qof, waxaana laga doonayaa inay ka soo baxaan 30 Garsoore oo ka hawlgeli doona Maxkamadaha gobalka Banaadir, iyo 30 Xeer Ilaaliye oo iyagu na ka hawlgeli doona Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Garsoorka iyo caddaaladda ay la mid yihiin jihaadka loogu jiro in dalka lagaga xorreeyo khawaarijta, dadka guuleystana ay kaalintooda ka qaadan doonaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ” Dadka ku soo baxa Imtixaankaan ee ku guuleysta waxaa ay ka qeyb noqon doonaan Jihaadka loogu jiro dib u soo celinta sharafka ummadda Soomaaliyeed ee Madaxweynaha Qaranku Tuutaha u xiran yahay”

Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in uu hadafkoodu yahay in ay Soomaaliya hesho garsoor hufan, madax bannaan, dhexdhexaad ah, bulshadana caddaalad ugu adeega, si taasi loo gaaro-na loo baahan yahay dadkii howshaasi gudan lahaa.

Wuxuu sheegay in ujeeddooyinkoodu ay ka mid tahay in dadka xirfadleyda sharcigu ay fursado siman ka helaan jagooyinka ka bannaanaada Garsoorka dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen),...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta ku...