Ciidanka Xasilinta Caasimadda oo ku guuleystay sugidda aminga Magaalada Muqdisho

Date:

Qeybaha kala duwan ee laamaha amniga oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay in amniga Magaalada Muqdisho uu noqdo mid aad u sarreeyo, kaddib markii ay hawgallo joogta ah ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shacabka Caasimadda ayaa xilligaan dareemaya jawi xasilloon markii laamaha amniga ay wax ka qabteen dhaca iyo arbushaadda laga geysan jiray Magaalada Muqdisho, iyada oo shacabka ku nool degmooyinka dhaca daafaha Magaalada ay aad ugu riyaaqeen hawgallada joogtada ah ee laamaha amniga.

Taliyaha Birmadka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Suleymaan Maxamed Axmed (Dulmi-diid) ayaa kormeer u kuur gal ah ugu tagay Ciidanka Birmadka qeybtooda Xasilinta Caasimadda, isaga oo Ciidamada kula dardaarmay in ay laba jibaaraan shaqada ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, qaar ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed oo la hadlay wakaaladda wararka ee SONNA ayaa sheegay in ay ka reysteen tuugadii dhaci jirtay taleefanadooda, iyaga oo xusay in hadda ay dareemayaan jawi xasiloon oo ka duwan kii hore ee Muqdisho.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...