-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Mudane Maxamed Shiikh Axmed Cali (Doodishe)oo ku sugan Magaalada Riyaad ee Sacuudi Carabiya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalka Sacuudiga Amiir Abdulaziz bin Saud,kuwaa oo ka hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta amniga ee u dhaxeysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudiga iyo Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dhanka Amniga ee labada wasaarad.
Wasiirka waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Taliyaha ciidanka Boliiska soomaaliyeed Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin,iyo masuuliyiin kale kuwaa oo inta ay joogaan Sacuudiga kulama kala duwan la qaadan doonno madaxda dalkaasi