Wasiirka Gaashaandhigga XFS : Khawaarijta waxay maraayaan heer maalin walba dhexdooda diriraan oo ay islaayaan

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in khawaariijta la gaarsiiyay jab xooggan, isagoo tilmaamay in kummanaan ay soo qaadeen lagu khaarajiyay howgallada ka socda dalka.

โ€œKhawaarijta Waxaa meel la kala geeyo la layhay dhaawacooda oo ay intooda badan dhameystiraan naftana dhaafiyaan, Waxay waayeen maal badan oo ay shacabka ka baadi jireen, waxaa lumey kalsoonidii dhexdooda ahayd oo waxay maraayaan heer maalin walba dhexdooda diriraan oo ay islaayaan. Waxaa kaloo xaqiiqo ah tira ku kordheysa in aysan jirinโ€.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ciidamada Qalabka sida oo kaashanaayo Shacabkooda ay ku jiraan dagaal lagu difaacaayo Dinteena, dalkeena iyo dadkeena dhiigooda iyo sharafkooda.

โ€œWaxa la bixinaayo waa naf, maal iyo maskax mana jiro wax uu aadane bixin lahaa oo intaas ka qaalisan, xukuumadda dan qaran waxaa ka goโ€™an in la ciribtiro Khawaarijta, la dhameystiro halganka dalkeena lagu gaarsiinaayo amniga iyo horumarka waana taariikh qormeyso oo lagu dhigi doono Iskuuladaโ€ ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka Difaaca xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa ku baaqay in Jihaadka ka dhanka ah khawaarijta aan loo kala harin oo qof kasta qeybtiisa uu uga qeyb noqdo maal, af iyo adin.

Tan iyo markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ayaa lumisay degmooyinka iyo deegaanno badan oo 15 wax kabadan ku jiray gacanta cadowga, iyadoo xiligin khawaarijta ku jirto xiligii ugu adkaa marka laga eego koobaha wali ku hareen iyo firxadka ay ku jiraa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...