Horjooge Yuusuf Sheekh Xasan oo mudo 12 sano ah Khawaarijta ka tirsanaa ayaa saaka isku soo dhiiiibay Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Bakool.
Horjoogahaan oo Khawaarijtu ugu yeerto Malaag UK ayaa u qaabilsanaa daaweynta maleyshiyaadka, waxaana uu ku sheegay sababta uu uga soo baxay inay tahay in khawaariijta meelwalbo ay joogaan cabsida ku saa’ideyso kala shaki badan oo dhexdooda ahna uu soo batay.
Qofkii latuhmo waa la qaarijinaa sidaas darteed ayaan anigoo ka faaideysanaya Cafiska dowladda uga soo baxay ayuu yiri Yuusuf Malaag.