Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta dhagax dhigay dhameystirka dhismaha wadda Laami ah oo dhaxmarta Degmada Kaxda

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhameystirka dhismaha wadda Laami ah oo dhaxmarta Degmada Kaxda, iyada oo dhagax dhigan ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir.

Waddadan uu dhagax dhigay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa halbowla u ah isku socodka degmada Kaxda, waxaana jidkaan Laamiga ah lagu dhisi doona masharuuca Dalkaaga ku dhiso Hal dollar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in ay sii socon doonan talaabooyinka wax ku’oolka ah ee lagu horumarinaayo bilicda Caasimadda, si magaalada ay ula tartanto magaalooyinka dhigeeda ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane(Madaale) ayaa sheegay in ay sii socon doonan talaabooyinka wax ku’oolka ah ee lagu horumarinaayo bilicda Caasimadda, si magaalada ay ula tartanto magaalooyinka dhigeeda ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...