Guddoomiyaha gobalka banaadir ayaa xarunta dowlada hoose ku qaabiley  ergayga gaarka u qabilsan Soomaaliya iyo Soomaliland

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Ergayga gaarka ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaana Kulankan goob Joog ka ahaa Guddomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Madaale ayaa bogaadiyay xoojnta dadaalada kor loogu qaadayo wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaliland, islamarkaana uu maamulka gobolka Banaadir diyaar u yahay garab istaaga talaaba kaste oo qeyb ka ah wada hadaladaasi.

Ergayga gaarka ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho garab istaaga uu u muujiyay talaabooyinka socda ee looga mira dhalinaayo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ay qabaan walaalaha soomaaliyeed ee reer Soomaliland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...