Hay’adda UNHCR oo sheegtay in dad gaaraya 1.8 milyan oo horleh ay ka Barakici doonaan Suudaan dhamaadka sanadkan

Date:

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa bayaan ay soo saartay galinkii danbe ee shalay ku sheegtay in dad ka badan 1.8 milyan oo qof ay ka qaxi doonaan Suudaan, dhamaadka Sanadkan, kuwaa oo la maleynaya inaay u kala firxan karaan ilaa shan wadan oo deris la ah dalkaasi.

UNHCR, ayaa codsatay in la uruuriyo hal bilyan oo doollar si loogu caawiyo dadka qaxay ee laga soo sheegaya xaalado noolal xumo oo kala duwan.

Sidokale, Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa sheegay in kumanaan qof ay soo gaareen xarumaha lagu qaabilo dadka  soo barakacay ee Koonfurta Suudaan, iyagoo intaa ku daray in qaar badan oo ka mid ah dadkaasi ay xanuuna kala duwan la dalaa dhacayaan.

Afhayeen u hadlay Hay’adda UNHCR, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, inay muhiim tahay in la ururiyo hal bilyan oo doolar si gargaar deg-deg loogu sameeyo qaxootiga dheeraadka ah ee la filaya in xeryaha barakacayaysha ay soo gaaraan ilaa dhamaadka bisha December ee soo socota.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...