Hoggaamiyaasha Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi oo kulan Xasaasi ah yeelanaya

Date:

Sida uu sheegay Mareykanka, Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa yeelanaya kulan ay kaga wadahadlayaan sidii Moscow ay u heli laheed hub ka caawiya dagaalka Ukraine.

Hadalka ayaa yimid kadib markii Aqalka Cad uu toddobaadkii tegay ka digay in Ruushka uu wada-hadallo sir ah kula jiro Kuuriiyada Waqooyi si uu u helo hub.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby ayaa toddobaadkii tegay sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay gantaallo siisay Ruushka sanadkii tagay ee 2022, kuwaas oo ay isticmaaleen kooxda gaarka loo maamulo ee Wagner, balse hadalkaasi Kuuriyada Waqooyi way beenisay.

Hadalkan ayaa soo baxay ka dib markii wasiirka difaaca Ruushka Sergei Shoigu uu bishii tegtay u safray Kuuriyada Waqooyi, isaga oo sida la sheegay hub dheeri ah u raadinaya dagaalka ay kula jiraan Ukraine, sida uu sheegay Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...