guddoomiye sheekh aadan madoobe oo shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee golaha shacabka

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 30-aad guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ajandeynta hindise sharciyeedyada horyaala Golaha ee hada maraya akhrimaha kala duwan, habraaca wax ka bedelka dib u eegista dastuurka, howlgabka iyo liiltirka shaqaalaha rayidka oo maraya akhrinta 3-aad iyo qaxootiga iyo magangaliyo doonka oo maraya akhrinta 2-aad. Warbixinta Ku-simaha Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ee ku saabsan tababarada Guddiyadda Golaha Shacabka BJFS.

Dhanka kale Guddiga Joogtada ah ee Golaha shacabka BJFS waxaa uu boggaadiyay isla-markaana taageeray Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan jiida hore ee dagaalka, waxaana ay ku dhiirageliyeen in ay sii laba jibbaaraan dadaalka lagu difaacaayo dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...