Dad ku geeriyooday dhisme ku soo dumay magaalada Muqdisho

Date:

Dhismayaal iska ag-dhawaa oo ka koobnaa ilaa labo dhisme oo dhabaqayo ahaa ayaa ku soo dumay guri filo ah oo ay daganaayeen haweeney iyo carruur ay dhashay oo xiliga ay soo dumeen ku sugnaa gurigooda.

Dhismayaasha soo dhacay ayaa la sheegay in ay ahayeen labo dabaq oo iska agdhawaa kana koobna 8-deed biyaano iyo afar biyaano oo ay labaduba ay isku duldhaceen walow aan la sheegin sababta ka dabeysa waxa keenay dumida labada dabaq ee iska agdhawaa.

Qoys ku noola guri filo ah ama guryaha gaagaaban ee ku hoosyaalay dhismaha ayaa waxaa laga soo badbaadshay labo ka mid ah qoyska ,halkaa ay ku geeryoodeen haweenay iyo gabar ay dhashay oo ka mid ah qoyska guriga ku noola xilli habeenimah oo ay dhacdadaani ka dhacday degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Ciidanka dabdamiska gobolka Banaadir oo goobta garay ayaa sheegay in ay wadan gurmada lagu baadi goobayo qof ka mid ah dadka ku sugnaa guriga ay dabaqayadaani ku soo dumeen, waxayna sheegeen in ilaa iyo hadda baadi goobaya gabar 14 jir ah taaso ku sugnayd guriga marka dhimmaha ku soo dumay.

Haweeneyda iyo Gabadh ay dhashay ayaa la xaqiijiyay in ay ku nafweyeen dabaqyo kusoo dumay gurigooda oo ku yaala degmada Howlwadaag waxaana sidoo kale jira dad kale oo dhismaha lagu la’ yahay.

Wali waxaa socda gurmadka lagu baadi goobaya gabadha iyo haday jiraan dad kale haday jiraan, iyadoon wali si dhab ah loo ogeyn waxa sababay dumistsa dhismahan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...