Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray furimaha dagaalka

Date:

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kormeeray furimaha dagaalka, halkaas oo uu ka socdo abaabuka guluf culus oo lagu cirib tirayo khawaarijta.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ku sugan magaalada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegay in ay halkaasi u tageen dhiirri gelinta Ciidamada qalabka sida, xoogagga deegaanka iyo abaabulka bulshada deegaanka.

Mudane, Guudlaawe ayaa u mahad celiayay sida ay madaxweynaha DFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaruhuba ugu go’an tahay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta,wuxuuna bulshada deegaanka ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan cirib tirka nabad-diidka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan looga hadlay xoojinta amniga deegaannada KGS

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto...

Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha XFS oo Kulan wada jir ah ka Yeeshay Xoojinta Arrimaha Shaqooyinka Qaranka

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya, Mudane...