Guddiga difaaca ee golaha Shacabka oo ka digay in la siyaasadeeyo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Date:

Guddiga difaaca ee golaha Shacabka BFS ayaa bogaadiyay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidanka Qaranka.

Xoghayaha guddiga difaaca ee BFS Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin oo la hadlay saxaafadda ayaa marka hore ka warbixiyay kulan uu guddiga difaaca maanta la qaatay Wasiir kuxigeenka wasaaradda gaashaandhiga xildhibaan Cabdifataax Qaasim iyo taliye kuxigeenka ciidanka xoogga dalka.

Kulanka ayuu sheegay inuu ku saabsanaa is xog waraysi , gaar ahaan xaaladda dalka, dedaallada Ciidanka xoogga dalka ku jiro,cirib tirka khawaarijta, guulaha la gaaray, goobaha la xoreeyay, caqabadaha jira.

Axmed Cabdi Kooshin oo aqrinayay baaq ay soo saareen guddiga difaaca ayaa sheegay in aan horumar la gaarayn, inaan barwaaqo la gaarayn inta cadowgu dalka ku jiro, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in loo tafa xayto cirib tirka khawaarijta.

Xildhibaan Kooshin oo ku hadlayay afka Xubnaha guddiga difaaca ee BFS ayaa sidoo kale ugu baaqay xildhibaannada labada gole, bulshada qaybaheeda kala duwan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ciidamada qalabka sida hiil iyo hooba isla garab taagaan.

Xoghayaha guddiga difaaca ee BFS Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin ayaa sheegay in guddigu ay ka digayaan in la siyaasadeeyo dedaallada uu ciidanka xooggu ku jiro, lagana fogaado wixii dhiirri gelin u ah argagixisada uu gabbalkoodu dhacay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Xamsa “Maanta shuruucdii adduunka waa dhammaatay,dalna ma jiri karo haddii uusan lahayn awood ciidan oo looga cabsado”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka K/Galbeed oo la kulmay saraakiisha amniga

Hoggaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...