Guddiga difaaca ee golaha Shacabka oo ka digay in la siyaasadeeyo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Date:

Guddiga difaaca ee golaha Shacabka BFS ayaa bogaadiyay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidanka Qaranka.

Xoghayaha guddiga difaaca ee BFS Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin oo la hadlay saxaafadda ayaa marka hore ka warbixiyay kulan uu guddiga difaaca maanta la qaatay Wasiir kuxigeenka wasaaradda gaashaandhiga xildhibaan Cabdifataax Qaasim iyo taliye kuxigeenka ciidanka xoogga dalka.

Kulanka ayuu sheegay inuu ku saabsanaa is xog waraysi , gaar ahaan xaaladda dalka, dedaallada Ciidanka xoogga dalka ku jiro,cirib tirka khawaarijta, guulaha la gaaray, goobaha la xoreeyay, caqabadaha jira.

Axmed Cabdi Kooshin oo aqrinayay baaq ay soo saareen guddiga difaaca ayaa sheegay in aan horumar la gaarayn, inaan barwaaqo la gaarayn inta cadowgu dalka ku jiro, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in loo tafa xayto cirib tirka khawaarijta.

Xildhibaan Kooshin oo ku hadlayay afka Xubnaha guddiga difaaca ee BFS ayaa sidoo kale ugu baaqay xildhibaannada labada gole, bulshada qaybaheeda kala duwan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ciidamada qalabka sida hiil iyo hooba isla garab taagaan.

Xoghayaha guddiga difaaca ee BFS Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin ayaa sheegay in guddigu ay ka digayaan in la siyaasadeeyo dedaallada uu ciidanka xooggu ku jiro, lagana fogaado wixii dhiirri gelin u ah argagixisada uu gabbalkoodu dhacay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiis iskaashiga dhinaca gaadiidka ah

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Jubbadda Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa saaka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax Dhigay Dib U Dhiska Waddada Zoobe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr....

Wasaaradda Amniga oo ku baaqday in la joojiyo Colaadda ka dhacday Caabudwaaq

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh...