Madaxweyne Xasan Sheekh “meel looga harayo ma jirto Al-Shabaab inta laga xoreynayo guud ahaan dalka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo  ka hadlayay xafladda xirtaan shirka 7-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay halka aay marayaan howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu dhammaaday waqtigii Khawaarijta,inta dhimana la dhameeystiri doonno,waxa uu ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ku bogaadiyay guulaha ay soo hoyeen,isagoona sheegay in la gaaray xiligii lays abaal marin lahaa qof walbana la qiri lahaa kaalinta uu ku lahaa xoreynta dalka

Madaxweyne Xasan” Al-Shabaab Waa xaaqin Shacabkuna waa dhulkii Xaaqina ayaana dhammaanaya “.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa fariin u diray dhalinyarada iyo odoyaasha ay qaldeen khawaarijta,isagoo u sheegay in ay kasoo baxaan dowladan ay cafis u fidineyso cid walba oo fikirka qaldan ee khawaarijta kasoo baxo,ganacsatada ayuu madaxwenaha Xasan Sheekh sheegay in wali ay maqan tahay kaalintoodii,isagoona ugu baaqay in ay ka qeyb-qataan howlgallada guud ahaan dalka looga xoreynayo khawaarijta

Madaxweynaha waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay  in qof kamid ah khawaarijta uu ku suganyahy degannada ay wali gacanta ku hayaan uu howlgalka sii socon doonno.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...

Kenya oo qalliin Caafimaad dhegaha ah loogu sameeyey 15 Carruur Soomaaliyeed ah

Waxa Magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay qaliin kooban oo...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha Qaran...