Wasiir kuxigeenka XFS oo la kulmay Wasiirka Caafimaadka Dalka India

Date:

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda XFS Mudane Xildh. Dr. Maxamed Xasan Maxamed ayaa la kulmay Wasiirka Caafimaadka Dalka India Dr. Mansuukh Mandaviya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Caafimaadka dalka India ayaa labadda masuul waxa ay uga wada hadlayn iskaashiga dhexmara labadda wasaaraddood ee labadda dal, Soomaaliya iyo India.

Wasiiradda ayaa isku afgartay laga wadasheeqo iskaashi mirro dhal ah dhanka daawadda, tababarrida iyo dhisidda aqoonta shaqaalaha caafimaadka iyo tayeynta hay’addaha caafimaadka dalka.

Sidoo kale, waxa la isku soo qaaday xalinta dhibaatooyinka dhaqaale iyo midda farsamo oo ay kala kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo aada dalka India in ay daawayn iyo lataacaalid ka helaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...