xukunka eedeysanihii diley enjineerkii kenyanka ahaa .

Date:

Xasan Cabdiraxman Indha-yare waxaa uu eedeysane u ahaa dilka Fredrick Odhiambo Owino oo kenyan ah iyo ka tagista goob shaqo fasax la’aan.

Labaatankii bisha July ee sanadkan eedeysane Xasan Cabdiraxmaan ayaa xabad uu ka tuuray Bistoolad biljim ah madaxa kaga dhacday Fredrick isagoona is hor istaag ku sameeyay dhismo halkaasi ka socday, waxaana markaas uu ka cabanayay tubo biyo wasaqeysan ku sii dayso guri uu waardiye ka ahaa, Injineerka dhintay ayaana markaas ka howlgalayay dhisidda guri ku yaala agagaarka Airport ka Aden Cadde ee Muqdisho.

Baaris dheer kadib Afar iyo Tobankii bishan xafiiska xeer ilaalinta maxkamada ciidmada qalabka ayaa maxkamdda darajada kowaad ee ciidamda hor keentay kiiskan, si jawaab loogu helo wixii dhacay.

Dhinacyada dacwadda, maragyadii la keenay ayaa isku daraf ka istaagay howlka dacwadda, waxaana ay isku raaceen in kas dhaaf uu ku yimid kiiska dilka ah.

Maanta ayay maxkamadda darajada kowaad ee ciidmada qalabka sida ku xukuntay Xasan Cabdiraxmaan Indha Yare Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Bixinta Magdhow la siiyo Ehelka Fredrick Odhiambo Owino sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaa Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur...

Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Hodan ayaa u soo baxay wareegga kama...