Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen.Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in dalku uu galay dagaalkii ugu dambeeyay ee khawaarijta looga saari lahaa Soomaaliya.
Taliye Muxudiin oo waraysi siiyay warbaahinta Qaranka isagoo ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa intaa ku daray in dagaalka ka dhanka ah khawaarijta laga gaaray guulo fara badan, kuwaas oo dadka iyo dalka ku hayay dhibaatooyin kala duwan.