Agaasiimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee DFS Dr. Guleed Cabdijaliil ayaa Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Madaxa ugu sareeya Hay’adda UNICEF Soomaaliya Saciid Wafaa.
Ujeedada kulanka ayaa ahayd Isbarasho iyo kala warqaadasho labada dhinaca gaar ahan shaqooyinka iyo Mashaaricda ay qeybta katahay Hay’adda UNICEF.
Agaasimaha Guud ayaa diiradda saaray xoojinta Qorshaha ee iskaashiga dhanka horumarinta Adeegyada Caafimaadka iyadoo laraacayo Hanaanka Xirmooyinka Adeegga Caafimaadka Aasaasiga, iyo Nidaamyada Caafimaadka guud si Soomaaliya ay u gaarto Yoolka Caafimaaka loo dhanyahay ee Caalamiga ah #UHC.
Madaxa Hay’adda UNICEF ayaa kaga mahadcelisay Wasaaradda Caafimasdka sida daahfurnaanta ah ay ula shaqeyso qaybaha kala duwan ee Hay’adda UNICEF iyada oo ka dhawaajisay isbadalada muuqda ee Wasaaraddu ku talaabsatay Mudadii lasoo dhaafay taas oo la dhihi karo Wasaarada Caafimaadka waxey Tusaale u noqon kartaa Wasaaradaha kale ee dalka sida Fulinta Mashaariicda, hagaajinta Nidaamyada Xogta iyo Hanaanka Maaliyadda iyo Isla Xisaabtanka.