Washington: Iskaashiga difaaca ee Pyongyang iyo Moscow waxuu ka hor imanayaa Qaraaradii Qaramada Midoobay

Date:

Mareykanka ayaa galinkii danbe ee shalay ku dhawaaqay in heshiiska hubka ee ay gaareen Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi, uu xad gudub ku yahay go’aannadii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay horay u gaareen.

“Nooc kasta oo iskaashi amni ama heshiis hub ah oo dhexmara Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka waxa hubaal ah in uu ka soo horjeedo go’aanadii taxane ahaa ee golaha ammaanka,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, Vedant Patel.

Arrinkan ayaa salka ku haya kadib markii isla shalay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku baaqay inuu xoojinayo iskaashiga kala dhexeeya Pyongyang, isaga oo warqad uu u diray hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ku booriyay inay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga ammni ee ka dhaxeeya labada dal.

Hadalkan ka soo baxay Mareykanka, ayaa ku soo beegmaya xilli Washington ay damacsantahay in Jimcaha soo socda ay marti galiso shir madaxeed u dhexeeya hoggaamiyeyaasha Maraykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, kaas oo ujeedkiisu yahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Ammni ee saddexda waddan iyo khatarta kaga imaan karto Kuuriyada Waqooyi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo magacowday xubnaha Golaha Anshaxa Cilmi-baarista Qaranka

Dr. Ali Haji Adam, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY LATALIYAHA AMNIGA QARANKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo adag ka socdeen...