Washington: Iskaashiga difaaca ee Pyongyang iyo Moscow waxuu ka hor imanayaa Qaraaradii Qaramada Midoobay

Date:

Mareykanka ayaa galinkii danbe ee shalay ku dhawaaqay in heshiiska hubka ee ay gaareen Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi, uu xad gudub ku yahay go’aannadii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay horay u gaareen.

“Nooc kasta oo iskaashi amni ama heshiis hub ah oo dhexmara Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka waxa hubaal ah in uu ka soo horjeedo go’aanadii taxane ahaa ee golaha ammaanka,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, Vedant Patel.

Arrinkan ayaa salka ku haya kadib markii isla shalay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku baaqay inuu xoojinayo iskaashiga kala dhexeeya Pyongyang, isaga oo warqad uu u diray hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ku booriyay inay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga ammni ee ka dhaxeeya labada dal.

Hadalkan ka soo baxay Mareykanka, ayaa ku soo beegmaya xilli Washington ay damacsantahay in Jimcaha soo socda ay marti galiso shir madaxeed u dhexeeya hoggaamiyeyaasha Maraykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, kaas oo ujeedkiisu yahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Ammni ee saddexda waddan iyo khatarta kaga imaan karto Kuuriyada Waqooyi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kula la qaatay Duqa Magaalada Seattle ee dalka Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb. Maxamed Cali...

Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goob dalxiis oo ku taalla degmada Kaxda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo magacaabay Golaha Wasiirrada maamulkaas

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan...